Madaxweyne Sheekh Shariif oo si weyn loogu soo dhoweeyey dalka Tanzania

labada.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa shalay gaaray xarunta dalka Tanzania ee Dar-es-Salam, halkaasoo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah oo ay dalkaasi ku soo mari doonaan.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa timid kaddib markii uu casumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Tanzania pres. Jakaya Mrisho Kikwete oo madaxweyne Shariif iyo wafdigii la socday kaga hor yimid gegida dayuuradaha caalamiga ah ee Julius Nyerere International Airport ee magaalada Dar-es-Salam.

Dowladda iyo shacabka reer Tanzania ayaa waxa ay muujiyeen qaddarinta ay u haayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayadoo madaxweynaha Soomaaliya loogu soo dhoweeyey dalkaasi Tanzania si aad u heer sarreeysa oo aan horey loogu arag dalalkii Afrika ee uu horey u booqday.

Sidoo kale waxaa madaxweyne Sheekh Shariif Garoonka diyaaradaha ee Nyerere International Airport si weyn ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan golayaasha dowladda Tanzaniya iyo ciidamada dalkaasi, waxaa ayagana soo dhoweynta madaxweynaha ka qayb galay xildhibaanno, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaasi mudane Cabdixakiim Ugaas Cali.

Isla xalay ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii la socday waxa casho sharaf loogu sameeyey aqalka madaxtooyada dalkaasi, ayadoo cashadii kaddibna ay labada madaxweyne halkaasi isku weydaarsadeen qudbooyin iyo fikrado ay kaga wada hadleen sida xal waara loogu heli karo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya iyo xaaladda ammaan ee mandiqada bariga Afrika ayadoona madaxweynaha Tanzania uu madaxweynaha Soomaaliya u ballan qaaday in dalkiisu uu taageeri doono dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba.

Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa ayaa waxa kale oo ay wadahadallo la yeesheen Taliyaha ciidamada dalka Tanzania Gen. Davis Mwamunyange oo ay isla soo qaadeen sida ay Tanzania gacan uga geysan karto xaaladda ammaanka dalka Soomaaliya.

Booqashooyinka madaxweyne Sheekh Shariif uu toddobaadyadii u dambeeyey ku kala bixinayey dalalka Afrika ee bariga iyo bartamaha qaaradda ayaa ku soo beegmay xilli uu ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Augustine Mahiga uu dhowaan magaalada Nairobi ku qabtay shir uu ugu yeeray wada tashi arrimaha Soomaaliya, shirkaasoo ay dowladda Soomaaliya si cad u diidday ka qaybgalkiisa.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo dowladdiisa ayaa u muuqda kuwo guulo dhinaca diplomasiyadda ah kasoo hooyey loollanka ay kula jiraan Augustine Mahiga, Shariif Xasan Sh. Aadan, Cabdiraxmaan Faroole iyo intii kale ee ka qayb gashay shirkii ka dhacay magaalada Nairobi.



Booqashada Madaxweyne Shariif uu ku marayay todobaadyada dalal ka tirsan Qaarada Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa noqonaya kuwo uu ku xoojinayo xiriirka dalalkaas iyo siyaasada Soomaaliya oo labaatankii sano ee u dambeeyay aheyd mid jaanta rogan aheyd marka loo eego dhanka arrimaha dibada.


Add New Comment