Tababar dalka Jabuuti loogu soo xiray ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed


Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa tababar loogu soo geba gabeyay wadanka Jabuuti ayadoo munaasabada ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Tababarkan maanta loo soo xiray ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaareyso 200 oo askari ayaa waxa uu socday muddo Saddex Bilood ah waxana ka qeyb galay wasiiru dowladaha ariimaha gudaha, taliyaha booliska Soomaaliyeed, saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti, kuwo ka socday dowladda Talyaaniga iyo AMISOM.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo hadal ka jeediyay xeritaanka Tababarka ayaa sheegay in ciidamadan tababarka loo soo gabagabeeyay ay u baahan yihiin qalab ay ku shaqeeyaan isagoona ugu baaqay dowladaha caalamka in qalab loogu deeqo ciidamadan.

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiishii ka qeyb gashay munaasabada ayaa balan qaaday in qalabeynta ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacan weyn ka geysan doonaan si ay u noqdaan ciidamo awood leh oo hanankara amaanka dalka.

Ciidamadan oo tababarka loogu soo xiray dowladda aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxa ay soo barteen qaabka looga hortago rabshadaha sida banaanbaxyada.


Add New Comment