War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Midowga Yurub ayaa lagu cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab maalinmadii Axaddii ku qaadeen xarunta Maxkamadda gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Midowga Yurub Mrs. Catherine Ashton ayaa sheegtay inay aad uga naxday dhimashada iyo dhaawaca dadka aan ayagu waxbo galabsan ee ku le'day weerarka, iyadoona intaas kaddib taccsi u dirtay qoysaskooda iyo saaxiibbadooda.
Wakiiladda sare waxay sheegtay inay ku kalsoon tahay in falalkan aaneyn dib u celin doonin horumarka muuqda ee la sameeyay ee lagu soo celinayo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.
Waxaa war-saxafaadeedka lagu sheegay in Midowga Yurub uu si adag u garab taagan yahay dadka Soomaaliyeed iyo dowladda, waxaana ka go’an taageeridda dib u dhiska dalka.