Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augsitine Mahiga ayaa
cambaareyay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo ay ku
geeriyodeen dad ka badan 20 ruux.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ambassador Mahiga ayaa lagu sheegay in
weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Maxkamada gobolka Banaadir ee lagu dilay
dadka Rayidka ah uu ahaa weerar argagixisonimo ah.
Wuxa uuna xusay in cambaaraynta dowladda ee weerarka uu isna ku biirinayo
cambaarayntiisa weerarka maleeshiyada al-Shabaab.
Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay wado
dhaqdhaqaaq xooggan kaas oo ku aadan amaanka dalka.