Xog-hayaha arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska Mr. William Hague ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay weerarradii shalay kooxda al-Shabaab ay ka geysateen magaalada Muqdisho.
29 qof ayaa lagu dilay weerarrada isugu jira qaraxyo iyo toogasho oo lagu qaaday maxkamadda gobolka Banaadir. Ku dhowaad 60 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarrada.
Ugu yaraan toban ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab oo aad u hubeysan ayaa xoog ku galay dhismaha maxkamadda, waxayna billaabeen inay toogtaan dadkii halkaas ku sugnaa, kaddibna waa ay is qarxiyeen.
William Hague ayaa tacsi u diray ehelada iyo saaxiibbada dadkii ku dhintay weerarrada.
Wuxuu sheegay in dowladda UK iyo bulshada caalamka ay ka go’an tahay inay ka caawiyaan dadka Soomaaliyeed sidii ay u gaari lahaayeen nabad, ammaan iyo horumar.
Wuxuu xusay in loo baahan yahay in kuwa masuulka ka ah falalka argagaxisada la hor keeno caddaaladda.