Ra’iisul wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii seddaxaad booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa uu kulamo la qaatay odoyaasha dhaqanka ee gobollada Jubbooyinka.
Wariyaha Warbaahinta Qaranka Feysal Muuse oo la socda Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa soo sheegay in kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba, waxaana kulanka looga hadlay sidii loo qaban lahaa dib u heshiisiin balaaran oo ay ka wada qeyb galaan dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobollada Jubbooyinka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay kaalin mug leh ka qaadan doonto, sidii dib u heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa bulshada wada degta gobollada Jubbooyinka, isagoo ka codsaday odoyaasha dhaqanka in ay gacan ka geystaan sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadgelyo iyo xasilooni ka dhalata guud ahaan gobolladaasi.
“Dowladda Federaalka ah waxaa ka go’an inay dhiirigeliso maamullada sida saxda ah u qaata nidaamka Federaalka ah” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cabdiweli.
Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdiga ka la socda ayaa xalay waxa ay la kulmeen saraakiisha ciidamada amniga iyo Maamulka KMG ah Jubba, kaasi oo diiradda lagu saaray sidii l;agu tayeyn lahaa ciidamada amniga.