Golaha wasiirada Soomaaliya oo sheegay in shir wada tashi lagu qaban doono gudaha dalka


Shirkii caadiga ahaa ay Golaha Wasiiradu yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin shirkii ka dhacay Nairobi iyo marxaladda kala guurka ah.

Golahu waxey dib-u-eegid ku sameeyeen kulankii wadatashiga ‘heerka sare’ ee ka dhacay Nairobi 12kii iyo 13kii April 2011. Kulankan ma noqon mid miro dhal ah oo buuxiya waxii laga filayey, mana aheyn mid matala danaha shacabka soomaaliyeed.

Ka dib Golahu markii ay ka hadleen mustaqbalka iyo xilliga kala guurka ah iyo sida ugu habboon ee loo raadin karo nabad, wadatashi iyo dib-u-heshiisiin dhameystiran, isla markaana ka doodeen ayey waxey Golahu isku raaceen arrimaha soo socda:

  1. In Dowladda KMG ah ay diyaar u tahay in wadatashi, isla xisaabtan iyo dib-uheshiisiin dhab ah ay dhex marto dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, ha noqdaan Maamuladda Gobolada, Ahlu Sunna WalJameeca, ururada bulshada, madaxda dhaqanka iyo kuwa diinta iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda.
  2. Guddiga siyaasadda ee heer wasiir ah inay ka soo talo bixiyaan habka ugu habboon ee shir Somalida isagu timaado waddanka gudihiisa isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan Golaha Wasiiradda.
  3. In shir wadatashi iyo dib-u-heshiisiin heer sare ah lagu qabto dalka gudihiisa bisha June 11keeda ilaa 16-ka, shirkan oo ah mid ay Dowladda FKMG ah horseed ka tahay iyadoo la tashaneysa isla markaana kaashaneysa beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey.
  4. In agendaha, macluumaadka iyo qorshaha shirkan uu noqdo mid dhammaan ka qeybgalayaasha lagala tashto si uu u noqdo mid ay dhammaan ka qebygalayaasha isku raaceen. Golahu waxuu isku raacay in dhammaan qeybaha bulshada la gaaro oo lagala tashto ajendaha iyo waxa la filayo inay ka soo baxaan shirka. Shirkan ayaa noqon doona mid wadatashi siyaasadeed isla markaana looga hadlayo habka loo wajahayo mustaqbalka shacabka soomaaliyeed.    

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha


Add New Comment