Maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobollada dhexe ayaa soo dhoweeyay wada-hadallada magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhex maray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Isagoo ku sugan magaalada Muqdisho, guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa u sheegay Bar-kulan inay soo dhoweynayaan wejiga saddexaad ee wada-hadallada u soo socday dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.
Guureeye wuxuu sheegay in wada-hadallada ay yihiin kuwo rajo cusub gelinaya shacabka Soomaaliyeed, horseedi karana inay dib isugu soo laabtaan walaalaha Soomaaliyeed.
Wejiga saddexaad ee wada-hadalla u socday dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
War-murtiyeed laga soo saaray ayaa qodobbada ay labada dhinac ku heshiiyeen waxaa ka mid ah iskaashiga dhinaca ammaanka, argagaxisada, burcad badeedda iyo ganacsiga iyo in shir kale la isugu yimaado saddex bil gudahood, kaas oo ka dhici doona magaalada Istanbul.