Augustine Mahiga oo maanta magaalada Nairobi ka furay shirkii wadatshiga Soomaaliya


Shirkii uu qabanqaabinayey wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay amb. Augustine Mahiga ee Wadatashiga Arrimaha Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.

Shirkan oo ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin ayaa waxa si rasmi ah u furay amb. Augustine Mahiga, waxaana inta la hubo ka qaybgalay xubno ka socday maamul-goboleedyada Soomaaliyeed ee xubno ka socday Barlamaanka Soomaaliya, Gal-Mudug, Puntland, koox sheegatay inay ka tirsanaayeen Culimaa'udiinka Ahlu Sunnaha wal Jamaaca iyo ergooyin ka kala socday beesha caalamka.

Mr Mahiga ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid loogaga warramayo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya, shirkuna uu guud ahaan yahay mid wada tashi.

furitaanka shirka uu ka waramey dadaalada socda ee ku aadan xal u helidda mushkiladda siyaasadeed ee ka aloosan Somalia iyo in shirkan uu yahay mid wadatashi ah oo wax la isku tusaaleynayo.

Shirkan oo markii hore lagu waday inuu yahay mid la doonayey in lagu mijaxaabiyo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa markii uu furmay kaddib waxa uu ka badin waayey in loogu yeero shir wadatashi, waayoo waxaa goobta ka maqnaa oo iska diiday inay shirka ka qaybgalaan xoogagga isku haya siyaasadda Soomaaliya kuwoodii ugu awoodda badnaa sida Dowladda KMG, Ahlu Sunnah wal Jamaaca, maamulgoboleedka Ximan iyo Xeeb iyo kooxda Xarakatul Shabaab oo aan ayadu loogaba yeerin shirka.

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay ka dhego adeegto waxa ay dad badan oo soomaaliyeed u arkaan inay ahaayeen ihaano iyo meel ka-dhac loo geystay qaranimada iyo madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.


Add New Comment