Wasiirka Gaashaandhiga "Daruufo jira awgood ayaa waqtiga ugu kordhinay cafiskii aan u fidanay dhalinyarada Al Shabaab"

Wasiirka Gaashaandhiga ahna Ra'iisul wasaare Kuxigeenka C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in Xukuumada ay waqti aan la cayimin ugu dartay cafiskii ay u fidisay Dhalinyarada Shabaab, isagoo xaqiijiyay inay jiraan wali wada hadalo ay la leeyihiin ragga Shabaabka ka tirsan oo doonaya inay isku soo dhiibeen.

C/xakiin Fiqi oo la hadlay  Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayuu sheegay in maalmo ka hor ay isku soo dhiibeen  raggii aas aasay Shabaab, hase ahaatee magac ama tiro midna ma uusan sheegin, inkastoo
hadalkaas loo qaadan karo barobagaandada dagaalka afka.

"Waxaan cadeyneynaa inaan muddo ku kordhinay waqtigii cafiska, waxaa maalin iyo habeenba na soo wacaya dhalinyaro jecel inay ka soo goostaan kooxahaas nabad diidka ah"ayuu yiri Mr Fiqi oo ka mid ah Wasiirada gacanta midig ee Farmaajo baalashiisa ku hoos jira, isla markaana horay ay u wada degenaayeen Mareykanka.

C/xakiin Fiqi ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aan inta badan waxba ka aqoon arrimaha Milateriga iyo gaashaandhiga, taasoo loo aaneynayo ilaa iyo hada habacsanaanta Ciidamada Dowladda iyo isku dhex yaac, sidoo kalena qeyb ka yahy isku xir la'aanta Ciidamada Dowladda iyo AMISOM, kadib markii dhowaan Ciidamada Uganda si qaldan u duqeeyeen goobo ay la wareegeen Ciidamada Dowladda.


Inta badan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaan sidaas u wada shaqeyn, xilliyada dagaalada dhacaan, waxaana wali muuqda is faham daro Ciidamada dhexdooda oo ku wajahan qaabka dagaal gelinta, taasoo horay u dhacday in meelo ay qabsadeen Ciidamada Dowladda ay uga soo baxeen caawimaad la'aan dhanka saadka iyo taageeradaba.



Add New Comment