TACSI - Geerida Marxuumada Xaajiya Khadiija Xaaji Macow Cilmi


                                        inaalilaahi[1][1].jpg

Waxaa maanta magaalada Ottawa, Ontario ee dalka Canada ku geeriyootay Allaah ha u naxariistee marxuuma Xaajiya Khadiijo Xaaji Macow Cilmi  oo ay da'deedu ahayd 80 iyo dhowr jir .
Marxuumada waxaa geerideeda la ogeysiinayaa dhammaan eheladeeda oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

Dhammaan xubnaha Israaca SilGor  waxay tacsi tiiraanye leh u dirayaan Istarliin Maxamed Cabdi, Cabdullahi Maxamed Cabdi(Feerow),Maryan Maxamed Cabdi,Cabdulqadir Maxamed Cabdi (Marwaale),Nadiifo Maxamed Cabdi(Lajecel),Raaxo Maxamed Cabdi,Cali Maxamed Cabdi(Calibandiire),Mako Maxamed Cabdi(Macalimey), Ruqiyo Maxamed Cabdi iyo Carruurtooda,Sidoo kale waxay tacsi taa la mid ah ay u diraayaan Dhammaan Reer Xaaji Macow Cilmi Maxamed Taakow iyo guud ahaan Beesha  Silcis Gorgaate ,Marxuumada waxay Ifka kaga tagtay 108 Ruux (Maashaa Allaah) oo isu jira waxay dhashay iyo waxay sii dhaleen.
Marxuumada Allah waxaan uga baryaynaa inuu ka waraabiyo Jannadii Ferdowsa, eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootayna  sabar iyo iimaan inuu ka wada siiyo. Aaamiiin

Add New Comment