Ciidamada Amisom oo la rabo in lagu balaariyo magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo

Dowladda Dalka Ugandha ayaa waxa ay ku baaqday in Ciidamo hor leh lagu soo kordhiyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya islamarkaana la kala geeyo gobolo katirsan Wadanka Soomaaliya sida Bay iyo Jubbada hoose.
 madaxweyne yugaandha.jpg
Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo ka qeyb galaya shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa ka sheegay magaalada New York ee dalka Mareykanka in la soo kordhiyo ciidamada Amisom si ay awood ugu yeeshaan inay ku fidaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya sida Baydhabo iyo Kismaayo.

Midowga Afrika ayaa waxaa soomaaliya ka jooga ilaa 5,000 oo askari kuwaasi oo ka socda dalalka Brundi iyo Uganda,waxaana ay mar walba wajahaan weeraro naf hurnimo ah oo ay ugu dambeysay 17-kii bishan oo qaraxyo ismiidaamin lagula eegtay xaruntoodii ugu weyneyd ee Moqdishu, Qaraxaasi waxa la sheegay in ilaa iyo 17-askari oo ka kala socda Burundi iyo Wadanka Ugandha oo nabad ilaalin u joogay Wadanka Soomaaliya ay ku geeriyoodeen qaraxyadii dhawaantan lala eegtay Xarunta wayn ee ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay askartii dhimatay in uu ku jiray taliye ku xigeenkii Ciidamada AMISOM  Maj. Gen. Juvenale Niyoyunguriza.

Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa looga fadhiyaa inuu meel mariyo qaraar u ogolaanaya ciidamada Amisom in shuruucda howl galkooda wax laga badalo lanaso kordhiyo, kadib markii ay horay u soo jeediyeen Midowga Afrika.

Add New Comment