Madaxweyne sheekh Shariif oo u duulay dalka Sacuudi arabiya
Madaxweynaha dowlada KMG ah sheekh Shariif sheekh Axmed iyo wafdiga sare ee uu hoggaaminaayo inta ay Sucuudiga ku sugan yahiin waxaa ay ka qeybgalayaan furitaanka Jaamacad caalami ah oo la yiraa “Jaamacada Boqor Cabdalla ee Sayniska iyo Tiknooloojiyada” taasoo sucuudiga iyo dalalka saaxiibka la ah sida soomaaliya ardaydoodu ay tacliinta sare ku qaadan doonaan.
Booqashada Madaxweyne sheekh Shariif sheekh ee Suucuudiga ka dib wuxuu usii anbabaxi doonaa Dalka Maraykanka si uu ugu qeyb galo kulan madaxeedka Qaramada midoobay
Madaxweynuhu ka hor intii aanu dhoofin waxaa uu soo booqday xarunta Ciidamada AMISOM, Madaxweynuhu waxaa uu kulan la qaatay hogaanka sare ee ciidamada AMISOM, waxaana uu ka dhageeystay faahfaahin dheeri ah, dhibaatadii gaartay, ciidamada AMISOM Hogaanka sare ee AMISOM,kulankaas ayaa Madaxweynuhu uga tacsiyeeyay geeridii iyo dhibaatadii soo gaartay Ciidamada AMISOM, isagoo u sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan hilmaami doonin sida ay u garabistaageen in dalkeena dowladnimadu ka hano qaado.
Add New Comment
|
|
|