ismiidaamintii shalay lagu qaaday Ciidamada Amisom oo ay geeridu gaartay 21 ruux
Gaffel Nkolokosa oo ah Afhayeenka howlgallada Ciidamada Amisom ee Soomaaliya jooga ayaa wuxuu sheegay in ay 21 ruux gaareyso dhimashadii ka dhalatay weerar ismiidaamin ah oo shalay lagu qaaday saldhig ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Afhayeenkan waxaa uu sheegay in 21-ka ruux ee geeriyootay ay isugu jiraa 17 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Amisom oo uu weliba ku jiro sarkaal sare oo ka mid ahaa taliyayaasha ciidamada Amisom iyo 4 ruux oo shacab ah, kuwaasi oo gudaha Xarunta Dugsigii Tababarka Xalane loogu sameynayeen gargaar caafimaad oo si lacag la’aan ah looga helo xaruntaas.
Gaffel Nkolokosa waxaa uu intaas ku daray in weerarkaas ay ku dhaawacmeen 40 ruux oo kale, kuwaasi oo qaarkood lagu daweeyay isbitaal ku yaalla isla xarunta Amisom ee la weeraray, halka kuwo kale oo dhaawacooda cuslaana loo duuliyay Magaalada Nairobi, si halkaas loogu daweeyo.
Weerarkaas ismiidaaminta ah oo ay sheegatay in ay ka dambeysay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa wuxuu ahaa mid aad loo soo qorsheeyay, waxaana lagu fuliyay labo gaari oo Caalamadda UN-ka ay ku taallo, kuwaasi oo horay looga dhacay Xarumo uu UN-ka ku leeyahay Soomaaliya.
Add New Comment
|
|
|