Dowladda KMG oo sheegtay in ay amniga dalka gacanta ku qaban doonto


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqisho ayaa waxa uu sheegay in  Dowladda KMG ee Soomaaliya ay sida ugu  dhaqsiyaha badan  gacanta ugu dhigi doonto sugidda guud ahaan ammaanka dalka.

Mudane Sheekh Cabdulqaadir waxa kale oo uu sheegay in dowladdu au diyaarisay qorshayaal ay kula wareegeyso sugidda ammaanka dalka, asagoona intaa raaciyey in dhowaan la qaadi doono tallaabooyin lagu dhaqan gelin doono arrintaas.

Wasiirka ayaa waxa uu kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG Soomaaliya ugu baaqay inay miiska wada hadalka is keenaan, maadaama ay weli dhinaca dowladda uu ka furan yahay albaabka wada hadalka iyo dib-u-heshiinta.

Mar uu Sheekh Cabdulqaadir ka jawaabayey su'aal laga weydiiyey weerarkii shalay ay diyaaradaha Mareykanka ku qaadeen xubno ka tirsan ururka Al Shabaab oo la socday gawaari mareysay degaanno ku dhow dhow degmada Baraawe ayaa waxa uu sheegay in dowladdu ay baareyso sida arrintaasi ay u dhacday iyo waxa ka jiraba.

Dhanka kalena, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id uga hadlay abaaro ka jira Gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Bakool, wuxuuna tilmaamay in abaaraha gobolladaas ka jira ay yihiin kuwo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay u gurmato dadka gobollada ku dhaqan ee ay abaaraha waxyeelleeyeen, isagoo dhinaca kalena sheegay in ay Dowladda Soomaaliya iyadana intii karaankeeda ah gacan u fidin doonto dadkaas abaartu heyso.

Add New Comment