Ciidamada AMISOM ee ilaaliya Airport-ka oo laayay Geel fara bdan.
Ciidamada cusub ee dhowaan Muqdisho soo gaaray isla markaasina la fariiisyay fariiisinka wadada Airport-ka ayaa xalay waxa ay laayeen geel fara badan oo gaarayo 11 neef,sababtoo ah ayagoo aan horay u arag shanqarta ka baxeysa geela iyo siigada uu soo kiciyay geelaa guureynayo habeen ayaa waxay moodeen in islaamiyiinta ay kusoo duuleen geelka dushiisa sida dagaalkii badar markaasay rasaas si arxan la'aan ugu fureen.
Geelan ayaa la sheegay in loo soo waday Suuqa loo yaqaano Suuqa Beerta ee Afisyooni oo ku yaala ee degmada Waaberi, halkaasi oo la doonaayay in lagu gowraco si loogu iibiyo suuqyada Hilibka ee magaalada Muqdisho.
Ganacsatadii Geele laga laayay ayaa waxaa ay xariir la sameeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya waxaana lagu xilin doonaa in la siiyo magdhaw raggi geela lahaa,waxaa lagu guuleystay in ay wada hadlaan ciidamada AMISOM iyo ganacsatada geela laga laayay.
Lama garanayo sababta loo laayay gaalaa, waxayna arrintani cabsi gelinaysaa dadka Muqdisho xiliyada habeenkii inay maraan wadooyinka ay joogaan Ciidamada AMISOM, arrintaan ayaa dadka Muqdisho u fasirteen siyaabo kala duwan iyadoo dadka qaarkooda ay dhaheen waxaa dhici karta in askari Qamri cabsani uu shanqarta socodka geela uu ka cabsaday kadibna laayay Geelaas iyo inay tahay mid soo wajahday cabsi i geelaasi loo soo adeegsaday ismiidaamin oo inta ayan soo gaarin airboorka oo ku qarxin in lagu laayo jidka hore , balse runta waxay tahay in aan weli la ogaan jawaabta dhabta ah ee arrintaasi ka dambaysay.
Add New Comment
|
|
|