Mudaharaad ka dhan ah dowladda Soomaliland oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac
Tiro seddex ruux ayaa ku dhimatay, tiro kale oo aan ilaa hadda la garanaynin waa ay ku dhaawacantay , kaddib markii Ciidamada Booliska Rasaas nool ay ku fureen Dadweyne maanta ka mudaharaaday tallaabo ay Xukuumaddu mar kale isku-hortaagtay in Xildhibaannadu galaan Golaha Baarlamaanka .
Ciidamada Booliska ayaa Rasaas nool iyo Gaasta dadka ka ilmaysiisa u adeegsaday Dadweynaha maanta Mudaharaadayay. Taasina waxay keentay inay Dadweynuhu ka gadoodaan, Jidadka Magaalada ayaa maanta xidhan, waxa lagu gubay Taayirro, waxaana lagu gooyay Dhagxaan waaweyn, waxay kaloo gubeyn Gaadhi ay leedahay Dawladdu.
Waxaa kaloo la soo sheegay in Mudaahadaarkani ka bilowday markii madaxweyne Rayaale la sheegay in uu xalay ka noqday go’aan uu shalay ku ogolaaday in maanta la furo Golaha. Dhinacyada Siyaasadda Somaliland ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ka hadlaan dhacdadan maanta ee Hargeysa.
Add New Comment
|
|
|