Doonyo waday Tahriibayaal Soomaali ah oo ku degeen Xeebaha Yemen
Tahriibayaal Soomaaliya ayaa ku geeriyooday Xeebaha Yemen kaddib markii ay la qalibmeen 2 ka mid ah Doomihii ay la socdeen oo gaarayay ilaa 4 doomood. Labada doomood ee qalibmay mid waxaa ku dhintay 15 ruux, mid kalena waxaa ku dhintay 4 ruux, waxayna labada doomoodba ku qalibmeen meel ku dhow xeebta Gobolka Abyan ee wadanka yemen .
 Tahriibayaal badan oo Soomaali ah oo ka cararay dalka Soomaaliya ayaa waxay ku dhamaadaan Badda u dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya, iyadoo dadkaasina ay doomo aanu ku safarkooda wanaagsaneyn ay ka raacaan Xeebaha Gobolka Bari ee Soomaaliya waxayna quud aan lagu dhibtoon u noqdaan libaax badeedka iyo kaluunka badahaasi ku nool .
Add New Comment
|
|
|