Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisi oo ku soo jeeda waddanka Yemen


Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan magaalada Sanca ee caasimadda waddanka Yemen, kaddib markii ay soo dhammeysteen booqasho rasmi ah oo ay ku tageen waddanka Kuwait.

Madaxweynaha Sheekh Shariif ayaa intuu uu joogey waddanka Kuwait kulamo la yeeshay amiirka dalkaasi iyo weliba ra'iisul wasaarihiisa, waxayna ka wada hadleen sidii dowladda Kuwait gacan uga geysan lahayd dadaalka caalamiga ah ee lagu doonayo in Soomaaliya nabad loogu soo dabbaalo.

Madaxweynaha ayaa marka uu soo gaaro dalka Yemen kala hadli doona dhiggiisa dalkaasi arrimihii ugu dambeeyey ee kusoo kordha xaaladda Soomaaliya oo ay dalka Yemen xuduud badeed leeyihiin iyo sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen sugidda ammaanka gacanka cadmeed oo ay bilihii ugu dambeeyey kusoo badanayeen kooxo burcad badeed Soomaaliyeed oo qatar geliyey isu socodka gadiidka ganacsi ee badaha adduunka.

Add New Comment