Ra'iisul wasaare Sharma'arke oo Nairobi kula kulmay wakiillada deeq-bixiyeyaasha


Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali ayaa maanta xafiiska UNPOS iyo safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi kula kulmay mas'uuliyiin ka kala socoatay hay'adaha deeqda bixiya, Qaramada Midoobay iyo dalalka sida gaarka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulanka hore ayaa waxa uu ka dhacay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Siyaasadda ee UNPOS, halkaasoo uu Ra'iisul wasaaruhu kula kulmay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla iyo Leen Barows.

Waxa kale oo uu Ra'iisul wasaaruhu oo ay weheliyeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada kulan kula qaatay xafiiska safaaradda Soomaalida ku leedahaya magaalada Nairobi wakiillo ka kala socday dalal iyo ururro caalami ah oo daneeya arrimaha Soomaaliya.




Add New Comment