Madaxweynaha Dowladda Uganda Yoweri Museveni ayaa jawaab ka bixiyay eedeymo ay
maanta Xarakada Al-Shabaab u jeedisay Dowladaha Uganda iyo Dowladda Burundi oo
ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya.
Madaxweyne Museveni waxaa uu sheegay in Dowladdiisa ay garaneyso sida loo
weeraro dalka Uganda, “Waa naqaanaa sida loo weeraro kuwa na soo weerara” ayuu
yiri MAdaxweyne Museveni oo Wariyayaal kula hadlayay Magaalada Kampala oo
sheegay in aad uga taxadar qabaan weearrro lagu soo qaado Uganda.
Madaxweyne Museveni waxaa uu sheegay in Kooxaha ugu hanjabaya in ay soo
weerarayaan ay yihiin kuwo dhulka jooga oo aanan dayaxa dushiisa deganeyn,
sidaas darteedna ay ku qaadi karaan mid la mid ah weerarka ay ku qaadaan.
Hadalka Madaxweynaha Uganda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta madaxa
Xarakada Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir Shiikh Cali Maxamed Xuseen uu sheegay in
ay weerar ku qaadi doonaan Magaalooyinka Kampala iyo Bujumbura ee dalalka Uganda
iyo Burundi.
Shiikh Maxamed Xuseen ayaa sheegay in sababta ay dalalkaas u weerarayaan ay
tahay iyadoo ay ciidamo ka jooga Soomaaliya ay xasuuq ka geysteen Suuqa
Bakaaraha, wuxuuna caddeeyay in si la mid ah sidii looga baroortay Magaalada
Muqdisho looga barooran doono Magaalooyinka Kampala iyo Bujumbura.