Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay goob galbeedka kaga beegan magaalada Kismaayo, dagaalkaas oo u dhexeeya xoogag ka kala tirsan Ururka Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ee gacanta ku haaya inta gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo Ururka Xisbil Islaam oo ka amar qaata Sheekh Axmed Madoobe.
Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaalka saakay billowday uu yahay mid aad u xooggan, uuna salka ku hayo dagaalladii dhowaanahan ku dhexmarayey magaalada Kismaayo Maamulka magaalada ee hoos taga Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin iyo xoogag uu horkacayo Sheekh Axmed Madoobe oo ayaguna hoos taga Ururka Xisbul Islaam.
Dagaalkan ayaa sida lagu soo warramayo waxaa soo qaaday ciidamada uu wato Sheekh Axmed Madoobe oo ka tirsan mas'uuliyiinta sar sare ee Ururka Xisbul Islaam oo horey looga saaray magaalada Kismaayo kaddib markii ay halkaasi kula dagaalameen ciidamada Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin, wararka iyo khasaaraha dhabta ah ee laga heli karo dagaalka ayaa ah kuwo aad u kooban, wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee dagaallamayan ma jiraa.
Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalladan kala xiriira shabakadda wararka www.SilGor.com insha'Allaah.