Maamulka Shabakadda SilGor.com waxay ayagoo aad uga xun geerida naxdinta leh ee ku timid Sheekh Maxamed Rashaad tacsi u dirayaan qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Marxuum Sheekh Maxamed Rashaad ayaa waxa uu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee sida aadka ah uga qayb qaatay fidinta diinta Islaamka, wuxuuna geeriyooday asagoo ku guda jiray gudashada waajibaadkii Xajka ee sanadkan.
Marxuum Sheekh Maxamed Rashaad waxaan Allaah uga baryeynaa inuu ka waraabiyo Jannadii Fardowsa, eheladiisiina uu sabar iyo iimaan ka siiyo.
AAMIIN - AAMIIN