Dr. Cumar Iimaan oo Gudoomiyenimadii Xisbul Islaam ku wareejiyay Xasan Dahir

War goor dhoweyd soo gaaray Xafiiska warqabadka Jowhar.com ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo ahaa Gudoomiyihii Xisbul Islaam garab ka mid ah uu xilkaasi ku wareejiyay Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Xil wareejintan oo dhacday maanta ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayay, iyadoona mudooyinkii u dambeeyay tan iyo markii uu Sheekh Xasan Dahir ku soo laabtay dalka uu si hoose u maamulayay Xisbul Islaam.

guddoomiye.jpgMunaasabad ballaaran oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa Dr. Cumar Iimaan waxaa uu si rasmi ah ugu wareejiyay xilkaas Sheekh Xasan Dahir oo ka tirsanaa ururkaas, isla markaana ahaa Hogaamiyihii Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka Asmara.

Dr. Cumar Iimaan oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in aanu jirin wax cadaadis ah oo lagu saaray inuu xilka wareejiyo, balse uu ka cudur daartay sii heynta Xilkaas.

Sidoo kale Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa isna uga mahad celiyay Dr. Cumar Iimaan sida wanaagsan uu xilkiisa ugu soo wareejiyay, iyo mudadii uu haayay ee uu u dhabara adeegay sida uu sheegay.

Hogaamiyaha Islaamiga Sheekh Xasan Dahir ayaa hada ah Gudoomiyaha rasmiga ah ee Xisbul Islaam, waxaana tani ay iftiimineysaa sida uu ugu han weyn yahay inuu kursiga Madaxweynenimada, isagoo hadana qeyb ka ah dagaalada lagula jiro Dowladda

Add New Comment