Ciidamada Badda ee Jermanka oo gacanta ku dhiga Burcad-badeed Soomaaliyeed


Markab ay leeyihiin Ciidamada Badda Jermanka oo ka mid ah ciidamada caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo Khaliijka Cadmeed u jooga la dagaalanka burcad-badeedda Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay koox brcad-badeed Soomaali ah oo ka qowleysanayey xeebaha bari ee dalka Soomaaliya.

Burcad-badeedda Soomaalida ah ee la qabtay ayaa waxay wateen dooni iyo ayagoo ku hubeysnaa qoryo culculus, waxayna ka koobnaayeen 7 qof oo dhammaantood Soomaali ah, waxayna qabashadoodu timid kaddib markii ay markabka dagaal ee Jermanka moodeen inuu yahay markab xamuul oo ay markaas damceen inay soo qafaashaan, waxaanaa halkaa laysku weydaarsadey rasaas, ayadoo intaas kaddibna gacanta lagu dhigay burcaddii.

Sarkaal u hadlay ciidamadii watay markabka dagaal ee Jermanka ayaa sheegay inaysan wax qasaaro nafeed ah aysan halkaas ka dhicin, si dhib yarna loo soo qabqabtay kooxdii burcad-badeedda Soomaalida, cidankaas Jermankuna ay hadda ka fekerayaan, halkii kooxdaas Soomaaliyeed loo qaadi lahaa laguna maxkamadeyn lahaa, asagoona intaa raaciyey in ciidankoodu uu sii wadi doono howsha badaha Soomaaliya lagaga sifeynayo burcad-badeedda qatarta ku heysa marinnada  muhiimka u ah isu-socodka gaadiidka badaha ee adduunka.


.

Add New Comment