Midowga Afrika oo deeq lacageed soo gaarsiiyey Dowladda Soomaaliya


Midowga Afrika ayaa lacag gaareysa 1 milion oo US dollar ugu deeqay Dowladda  Soomaaliya, lacagtaasoo uu maanta ergayga Midowga Afrika uu qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Nicloas Buwakira uu guddoonsiiyey Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke.

Mr. buwakira ayaa sheegay ujeeddada ka dambeysay deeqdaas lacageed ee uu Midowga Afrika guddoonsiye dowladda Soomaaliya ay tahay inay qayb ka noqoto dib-udhisidda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale sheegay inay horey uga wada hadleen asaga iyo madaxda ugu sarreeysa dowladda Soomaaliya muddadii uu joogay dalka.

Kaddib markii ay kala guddoomeen deeqdaas lacageed ayaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid  oo  saxaafadda la hadlayey uu sheegay in ay Midowga Afrika uga mahad celinayaan dhaqaalaha uu ugu deeqay, wuxuuna caddeeyay in dhaqaalahaas dib loogu soo dhiso doono ciidamada qaranka ee Soomaaliya.

Kulanka dhex maray Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya iyo Ra'iisul Wasaaraha oo ay ka qeyb galeen wasiiro ka tirsan Xukuumada ayaa waxaa Ra'iisul wasaaraha loogu gacan geliyay Jeega lacagta uu Midowga Afrika ugu deeqay Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa wuxuu horay ugu taageeray Dowladda Soomaaliya Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Dalalka Uganda iyo Brundi, kuwaasoo ammaankooda suga goobo badan oo ay ku jiraan xarunta Madaxtooyada oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha, Garoonka Diyaaradaha iyo Dekeda Magaalada Muqdisho.

Deeqdaan lacageed ayaa ah tii ugu horreysay ee soo gaarta dowladda Soomaaliya tan iyo markii lagu soo dhisay waddanka Jabuuti, waxaase jira ballanqaadyo fara badan oo ay dowladdu ka heshay dalal dhowr ah iyo ururo caalami ah sida Jaamacadd Carabta iyo Qaramada Midoobay.

Add New Comment