Madaxweyne Sheekh Shariif oo u hambalyeeyey xukuumadda iyo shacabka reer Jabuuti


DjLogo.jpgDowladda iyo dadka reer Jabuuti ayaa maanta oo bisha Juun ay tahay 27 u dabaaldegaya sanadguuradii 32aad ee kasoo wareegtay maalintii ay madaxbannaanidooda ka qaateen gumeysigii Fransiska.


Munaasabadda 27 Juun oo ah maalin si weyn loogaga qaddariyo waddanka Soomaaliya awgeed ayaa waxa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo dadka reer Jabuuti ee aan walaalaha nahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku hadlayey magaciisa, kan dowladda iyo magaca ummadda Soomaaliyeedba.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay xorriyadda ummadda reer Jabuuti, sidoo kalena ku bogaadiyey horumarka dhinac kasta leh ee ay walaalaha reer Jabuuti ku tallaabsadeen tan iyo markii ay xorriyaddooda ka qaateen dalkii gumeysan jiray ee France 27 kii Juun sanadkii 1977.


Munaasabaddan qaaliga ah ee ay dowladda iyo shacbiga reer Jabuuti ugu dabaaldegayaan xuska maalinta qarannimadooda ayaa waxa lagu wadaa inay kala qayb galaan wufuud Soomaaliyeed oo heer qaran ah, uuna horkacayo Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).


Add New Comment