Diyaarado kuwo qumaatiga u kaca ah (helicopters) ayaa galabta lagu arkay meelo ku dhow dhow xeebaha magaalada Muqdisho, dayaaradahan oo joog hoose ku duulayey oo aan haybtooduna la garanayn ayaa sida lagu wado kasoo kacay maraakiibta dagaal ee fadhiya xeebaha Soomaaliya.
Dayaaradaha ayaa qadar daqiiqado ah ka dib bartirtay, lamana oga sababta rasmiga ah ee keentay in dayaaradahaasi ay soo gaaraan meel u muuqata magaalada Muqdisho oo ay maalmahan ka aloosan yihiin dagaallo qaraar oo u dhexeeya Dowladda KMG iyo xoogagga Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab.
Dadka reer Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dayaaradahan soo gaaray xeebaha magaalada Muqdisho, ayadoo ay dadka qaar arrintan la xiriirinayaan codsigii dhowaan ay Dowladda KMG ee Soomaaliya u jeedisay beesha caalamka ee ku aaddanaa in Soomaaliya loo soo diro ciidamo shisheeye oo taageera dowladda, halka dadka qaarkoodna ay u arkayeen inay iska caadi tahay in lagu soo xadgudbo biyaha iyo hawada Soomaaliya, maadaama aysan jirin ciidan amaan oo ilaaliya.
Ciidamada Dowladda iyo xoogagga kasoo horjeeda ee ku sugan meelo ku dhow dhow halka ay dayaaraduhu soo gaareen ayaan ayagu wax xabbado ah ku ridin dayaaradaha.