Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa xaqiijisay in
ay sax yihiin wararkii sheegayey in Dowladda Mareykanku hub u dirtay Soomaaliya, ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay uu fasaxay in hub loo diri karo Soomaaliya ayadoo weli aan si rasmi ah loo qaadin cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya.
Maalinnimadii sabtida ayey ahayd markii Dowladda Soomaaliya ay codsatay in lala soo gaaro kaalmo militeri, si ay isaga difaacdo kooxaha hubeysan ee diiddan jiritaankeeda, dagaalladana kagala soo horjeeda qaybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood.
Mareykanka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka helay oggolaasho ku aaddan inuu si gaar ah hub ugu diri karo Soomaaliya kaddib markii uu sidaasi ka codsaday Golaha, maadaama ay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay qabto baahi deg-deg ah.
Kaalmada ay Dowladda Soomaaliya heshay ayaa waxaa sidoo kale ku jira dhaqaale malaayiin dollar ah oo ay ugu deeqeen dalal fara badan oo reer galbeed ah, waxaana weli isa soo taraya tirada dalalka kale ee daneynaya wax ka qabashada codsigii Dowladda KMG ee ah midda keliya ee sharciga ah ee ka jirta dalka Soomaaliya ee caalamkuna uu aqoonsan yahay.