Dowladda Mareykanka oo hub iyo dhaqaalaba ugu deeqday Dowladda KMG ee Soomaaliya


Warbixin kusoo baxday wargeyska The Washington Post ayaa sheegeysa in dowladda Mareykanka ay shixnado hub ah u soo dirtay Dowladda KMG ee Soomaaliya si ay isaga difaacdo kooxaha xiriirka la leh Al-Qaida ee halista ku ah jiritaankeeda ee dagaallada kala soo horjeeda.

Shixnadan hubka ah ee maamulka Obama ugu deeqay dowladda Soomaaliya ayaa sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah lagu soo rarary markab xamuul, soona gaaray dekedda weyn ee magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Sarkaal Amerikan ah oo u hadlayey wargeyska The Washigton Post ayaa sababta hubkan loogu diray Soomaaliya ku micneeyey inay ahayd in taageero mileteri oo deg-deg ah la gaarsiiyo dowladda, si aysan uga guuleysan kooxaha Islaamiyiinta ah ee la dagaalamaya.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay caawinayaan Dowladda KMG ee Soomaaliya, si meesha looga saaro in kooxda Al-Shabaab ay ku guuleysato inay guud ahaan la wareegto gacan ku haynta dalka Soomaaliya, kaddibna ay Soomaaliya u noqoto saldhig Al-Qaida uga soo duusho adduunka.

Ka sokoow hubka la sheegay in Dowladda Maraykanku soo gaarsiisay Soomaaliya ayaa waxa kale oo jirta in Mareykanku ugu deeqeen dowladda Soomaaliya lacag dhan 10 million oo dollar oo loogu talagalay dib-u-dhiska ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si ay u hantaan ammaanka waddanka.

Add New Comment