Kenya oo ku baaqday in Soomaaliya la taageero


OdingaB.jpgRa'iisul wasaaraha waddanka Kenya Mr. Raila Odinga ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in la tageero Dowladda KMG ee Soomaaliya, waxna laga qabto oo la wiiqo awoodda kooxaha kasoo horjeeda dowladda KMG oo uu asagu ugu yeeray argagixisada.

Ra'iisul wasaare Odinga oo saxaafadda u warramayey ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD, Mareykanka iyo Midowga Yurub in la smatabixiyo Qarannimada Soomaaliya oo aan laysaga eegan burburka  kusii socda.

Ra'iisul wasaaraha dalka Kenya Mr.  Raila Odinga ayaa waxa uu magaalada Nairobi kul kulmay dhiggiisa waddanka Soomaaliye Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo ay isla soo qaadeen xaaladaha ka jira Soomaaliya iyo codsigii dowladda KMG ee ahaa in ciidamo lka socda waddamada deriska ah loo soo diro Soomaaliya.

Kenya ayaa waxa la sheegayaa in ciidamadeedu ay soo buuxdhaafiyeen xadka kala qaybiya labada dal maalmihii ugu dambeeyey, ayadoona ay jiraan warar sheegaya in Kenya ay uga faradhuubantahay arrimaha Soomaaliya dalalka kale ee deriska la ah sida Jabuuti, Ethiopia iyo Yemen.

Add New Comment