Midowga Afrika (AU) oo jawaab ijaabi ah ka bixiyey codsigii Dowladda KMG


Ping.jpgMidwoga Afrika (AU) ayaa taageeray codsigii Dowladda KMG Soomaaliya ay ku dalbatay in ciidamada dalalka dariska ah ay soo galaan Soomaaliya si ay gacan u siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxaha Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.

 

Dowladda Ethiopia oo horey uga hadashay codsiga dowladda KMG ee Soomaaliya ay sheegtay in ciidan ay u dirto gudaha dalka Soomaaliya ay ku xiran tahay in marka hore ay beesha caalamku si rasmi ah u oggolaato.

 

Taageerada Midowga Afrika ayaa waxa ku dhawaaqay Guddoomiyaha xiligan ee Ururkaasi Mr. Jean Ping oo sheegay in Soomaaliya ay xubin ka tahay Ururka, xaqna ay u leedahay inay weydiisato taageerada dalalka xubnaha ka ah Ururka iyo Beesha caalamkuba.

 

Midowga Afrika ayaa horey ugu yaboohay in ay Soomaaliya u soo dirayaan 8.000 oo askari oo ka qayb qaata ilaalinta nabadda, hase ahaatee ay ilaa iyo hadda ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya ciidamo tiradoodu lagu sheegay inay dhan tahay 4.300 oo askari oo ka kala yimid dalalka Uganda iyo Burundi.


Maalinnimadii sabtida ayey ahayd markii Guddoomiyaha Barlamaanka KMG ee Soomaaliya uu codsaday in waddamada deriska la ah Soomaaliya ee Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Yemen ay ciidamo u soo diraan gudaha dalka Soomaaliya si ay u taageeraan ciidamada Dowladda KMG ee dagaallada kula jira kooxaha is baheystay ee Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.

Add New Comment