Xaalad degganaansho ah ayey saaka ku waaberiisatay magaalada Muqdisho guud ahaan gaar ahaan goobihii ay maalmihii la soo dhaafay ka socdeen dagaallada u dhexeeyea ciidamada Dowladda KMG oo dhinac ah iyo xoogagga Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al-Mujaadihiin oo dhinaca kale ah.
Degaanada dirirta ba'an ay ka dhacday oo kala ah degmooyinka Shibis, Yaaqshiid iyo Kaaraan ayaa dhammaantood ku wada yaalla waqooyiga magaalada Muqdisho, degmooyinkaas oo hore u ahaa kuwo nabdoon oo waqtiyadii ugu dambeeyey aanu wax dagaal ah ka dhicin, waxayna dagaaladan hadda kusoo fiday keeneen barakac aad u baahsan, ayadoo saaka la arkayo dadweyne aad u fara badan oo guryahooda isaga tagaya kaddib markii ay maalmihii lasoo dhaafay u suurtoobi weysay inay kasoo baxaan guryahooda xoogga dagaallada awgood.
Degganaashada saaka ka jirta goobahaas ayaa ah mid aan laysku halleyn karin maadaama ay weli is horfadhiyaan ciidamadii ku dagaalamay halkaas, welina is weydaarsanayaan xabado teel teel ah, ayna suurtagal tahay in waqti kasta ay dagaalladu dib u qarxaan.