Dagaal aad u culus ayaa lagu soo warramayaa inuu iminka ka socda degamada Yaaqshiid iyadoo ciidamada Dowlada KMG ay dib gacanta ugu dhigeen inta badan goobihii ay saaka la wareegeen xoogagga ka soo horjeeda, waxaana haatan uu dagaalku si xooggan uu uga socdaa gudaha degmada
Yaaqshiid.
Ciidamo ka tirsan kuwa Xisbul Islaam ee dowladda ku biiray ee uu hoggaamiyo Sheekh Yuusuf Indhacadde iyo sidoo kale ciidamo boliis ah oo ka amar qaata taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Cabdi Qaybdiid ayaa soo xoojiyey aagaggii ay ka dagaalamayeen ciidamada dowladda taas oo wax weyn ka beddeshay wejigii dagaalka, ayagoona dib ula wareegay goobo fara badan oo ay aroornimadii hore ee saaka ay kasoo baxeen.
Warar aan ka helnay dadka degaanka oo aan la xiriirnay ayaa sheegaya in gebi ahaanba degmada Shibis iyo Isgoyska Sanca ay haatan si buuxda ugu jirto gacanta ciidamada dowladda, ayadoo dagaalkuna uu dib ugu sii siqay gudaha degmada Yaaqshiid.
Dagaalada ka socda ayaan si dhab ah loo saadaalin karin sida ay ku dhammaan karaan, maadaama marba qolo dhinac loo riixo oo laga qabsado aagaggii ay horey u joogeen.
Waxa kale oo aan si rasmi ah loo ogaan karin qasaaraha ka dhashay dagaallada maanta ka socda qaybo ka mid ah waqooyiga Muqdisho dagaalka oo weli socda awgeed.