Dagaal culus oo saaka ka qarxay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu sababay in xoogagga Xisbul Islaam ay u suurtagashay inay la wareegaan guud ahaan gacan ku haynta degmadaasi, ayagoona ay suutagashay in soo galaan qaybo ka mid ah degmada deriska la ah Yaaqshiid ee Shibis oo uu hadda dagaalku ka socdo.
Dagaalkan ayaa waxa lagu soo warramayaa in ciidamada kasoo horjeeda Dowladda KMG ee Soomaaliya ay ku soo siqeen goobo cusub oo ay horey u joogeen ciidamada Dowladda oo ayagu soo faaruqiyey qaybo ka mid degmada Shibis.
Dadka rayidka ah ee ku dhaqan degmooyinka Shibis iyo Boondheere ayaa waxa durba la arkayaa ayagoo isku dayaya sidii ay uga baxsan lahaayeen goobihii ay degganayaan, ayagoo markaasi ka cabsi qaba in dagaalladu ay sii weynaadaan.
Qasaaraha ka dhashay dagaalkan saaka ka qarxay Muqdisho ayaa waxa aan la ogeyn qasaaraha uu geystay iyo inta uu sii socon doonaba.