Wararka saaka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda KMG ay dib ugu laabteen goobihii xalay fiidkii ay kasoo baxeen ee degmadaasi kaddib markii ay xoogagga Ururka Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ay iskood uga baxeen goobihii ay ku qabsadeen dagaalkii xalay ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Xaaladda degmada Kaaraan ayaa iminka ah mid deggan oo aanay ka socon wax dagaallo ah, inkastoo ay jirto cabsi ah in dagaallada u dhaxeeya ciidamada DKMG iyo Al Shabaab ay dib u qarxi karaan waqti kasta ayadoo labada ciidan ay weli is hor fadhiyaan.
Dagaaladan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sababaan dhimasho, dhaawac, bur bur hantiyeed iyo barakac dhammaantood ku yimaada dadka rayidka ah, ayadoo intaas kaddibna si sahlan ay qoloba mar qabsato goobaha lagu dagaalo ee ay dadkii degganaana laga barakiciyey.
Dagaalladii ugu dambeeyey ee xalay ka dhacay degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa inta la og yahay gallaaftay nolosha dad lagu qiyaasay 2 ruux oo rayid ah, halka dhaawucuna uu kor u dhaafayo 10 ruux.