Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib
markii uu socdaal dhoowr maalmood qaatay ku soo maray dalalka Libya, Jabuuti, Ethiopia, Uganda iyo Kenya oo uu waqti kooban soo joogay.
Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa kaddib markii ay kasoo degeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada
Muqdisho ayaa waxa soo galbiyey ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) si nabad ahna ku soo gaarsiiyey Xarunta Madaxtooyada (Villa Soomaaliya).
Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa markii hore dalka Libya kaga qaybgaleen shirmadaxeedkii Midowga Afrika ee ku soo gabagaboobay magaalada Sirta ee isla dalkaasi, asagoonaa intaas kaddib billaabay inuu socdaal dibloomaasiyadeed ku soo kala bixiyo dalal Afrikan ah oo dhammaantood ka wada tirsan urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliyaba xubin ka tahay.
Madaxweynaha oo ujeeddada socdaalkiisu ay ahayd sidii dowladdiisu ay uga helli lahayd taageero dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka, sidoo kalena loo heli lahaa ciidamo Afrikaan ah oo ka qayb qaata dadaalka nabadeed ee Midowga Afrika ay ku doonayaan in nabad lagaga dhaliyo dalka Soomaaliya.
Soo noqoshada Madaxweynaha ayaa kusoo aadeysa ayadoo maalin qura ay ka harsantahay digniin 5 maalmood ah oo uu hoggaamiyaha Xarakatul Shabaab Al-Mujaahiddiin Axmed Godane usoo jeediyey ciidamada dowladda inay hubka ku dhigaan oo ayna ka towbo keenaan, ayadoo dhanka dowladdana ay ka soo yeertay in dhowaan la soo afjari doono dagaalka.