Madaxweynaha dowladda KMG ee
Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku guda jira booqosho uu beryahan ku marayey waddamada xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda ayadoo asaga iyo wafdigiisuba si diirran loogu soo dhoweeyey halkaas.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa waxa lagu micneeyey inuu qayb ka yahay dadaal diploomaasiyadeed oo beryahan ay Dowladda KMG ee Soomaaliya wadday kaasoo ay taageero caalami ah iyo mid goboleedba ku raadineysay.
Madaxweynaha ayaa inta uu joogo dalka Uganda la kulmi doona Madaxweynaha Uganda Mr. Yuweri Museveni, kaasoo ay ka wada hadli doonaan xaaladaha murugsan ee ka taagan dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo sidoo loo soo kordhin lahaa ciidamada AMISOM.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa horey booqashooyin noocan oo kale ah ugu soo maray dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Libya oo uu kaga soo qayb galay shir madaxeedkii Midowga Afrika ee lagu qabtay magaalada Sirta.