Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif
Shiikh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka soo laabtay Dalka Liibiya oo uu uga
soo qeybgalay Shir Madaxeedkii Midowga Afrika ayaa wuxuu haatan ku sugan yahay
Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya Saciid Yuusuf Nuur ayaa Laanta
Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in madaxweynaha uu soo gaaray magaalada
Addis Ababa, isla markaana ay wada hadallo leeyihiin madaxda dalka Itoobiya.
Danjire Siciid Yuusuf Nuur waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu
horay u soo maray Dalka Jibouti, halkaasi oo uu kulan kula soo qaatay
Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo aan isagu ka qeybgelin shir
madaxeedkii Midowga Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya inta uusan dib ugu soo noqon dalka Soomaaliya waxaa
uu socdaallo ku tegi doonaa Dalalka Kenya iyo Uganda oo uu madaxdooda kala soo
hadli doono arrimo ku saabsan sidii ay u garab istaagi lahaayeen Dowladda
Soomaaliya oo dagaallo kula jirta xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dalalka uu booqanayo Madaxweynaha oo Bariga Afrika ku yaalla ayaa waxay
dowladda Soomaaliya ka dooneysaa in ay mileteri ahaan u caawiyaan, isla markaana
ay ka difaacaan xoogagga hubeysan ee dagaalka kala soo horjeeda.
Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda Soomaaliya ay ka codsatay dalalka Beesha
Caalamka iyo kuwa Soomaaliya la deriska ah in ay faragelin Mileteri oo deg deg
ah ku sameyso Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay khatar dhinaca amniga ah ku
hayaan Dagaalyahanno Soomaali iyo Shisheeye isugu jira oo weerar ku ah.
Ugu dambeyntiina ilaa iyo haatan ma jiro dal si rasmi ah uga jawaabay
codsigaas ka soo yeeray Dowladda Soomaaliya, marka laga reebo in Midowga Afrika
uu taageeray codsiga ay jeedisay Dowladda Soomaaliya.