Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa mar uu warbaahinta kula hadlayey xarunta madaxtooyada dalkiisa ee magaalada Kampala sheegay in isbeddel lagu sameeyey taliska ciidamada dalkiisa ka jooga dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Museveni ayaa xil ka qaadis ku sameeyey taliyihii hore ee
ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan General Frances Okello, asagoona intaa raaciyey inuu si deg deg ah
Uganda dib ugu soo noqdo si xilka uu ugu wareejiyo taliyaha cusub oo uu madaxweynuhu
u magacaabay xilka taliska hawlgallada ay ciidamada dalkaasi ka wadaan gudaha dalka
Soomaaliya
Hadalkan ka soo yeeray madaxweyne Museveni ayaa yimid xilli aad loo hadal hayo in dowladda Uganda ay dooneyso inay ciidamo dheeraad ah u soo dirto dalka Soomaaliya si wax looga beddelo muhiimadda ciidamada AMISOM ee Soomaaliya oo hadda ku kooban nabad-ilaalin keliya.
Intii ka dambeysay shirmadaxeedkii Midowga Afrika ee lagu qabtay magaalada Sirta ee waddanka Libya ayaa waxaa soo baxayey warar isa soo taraya oo sheegaya in Midowga Afrika ay qorsheynayaan in howsha ciidamada AMISOM loo beddeli doono nabad-dhalin halka ay hadda ka tahay nabad-ilaalin keliya, ayadoonaa taa sabab loogaga dhigayo dagaallada maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayey magaalada Muqdisho oo ay xoogagga ka soo horjeeda dowladda kula soo wareegeen goobo badan oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya horey u joogeen.