Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay Dowladda Soomaaliya siineyso taageero miletari

 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Mr. Johnie Carson ayaa sheegay in Maamulka Madaxweyne Barak Obama uu siin doono Dowladda KMG Somaaliya caawinaad mileteri oo dheeraad ah.


Mareykanka ayaa caddeeyey, in badanna ku celceliyey sida uu diyaarka ugu yahay inuu Dowladda KMG ee Soomaaliya uu ka caawino dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo mileterigaba si ay wax uga qabato xaaladda ammaan ee waddanka.

 

Mr. Johnie Carson ayaa sidoo kale in booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Hillary Clinton ay ku kala bixin doonto 7 dal oo Afrikaan ah ay inta badan diiradda ku saari doonto xaaladaha murugsan ee ka jira waddamada Soomaaliya iyo Zimbabwe.


Mr. Johnie Carson oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Mareykanku diyaarinayo taageero ay fidiyaan Dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay la shaqeyn doonaan Ururgoboleedka IGAD iyo Midowga Afrika si  wax looga qabto nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.

 

Dowaladda KMG ee Soomaaliya ayaa si isdaba joog ah maalmihii ugu dambeeyey uga heleysay beesha caalamka baaqyo caalami ah oo lagu taageerayo, ayadoona dalal badan oo caalamka ah ka heshay taageero dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo mileterigaba leh.




Add New Comment