Eritrea oo looga digay faragelinta ay ku heyso arrimaha ammaanka waddanka Soomaaliya


Ergayga Dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Susan Rice ayaa ka dhawaajisay digniin culus oo loo jeediyey Dowladda Eritrea, taasoo ku aaddan in Eritrea ay joojiso faragelinta dhinaca ammaanka ah ee ay ku hayso Soomaaliya.

Mrs Susan Rice oo la hadleysay Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Congresska Mareykanka ayaa sheegtay in Dowladda Marakanka ay aad uga walaacsan tahay kana muujineyso niyad jab mowqifka Dowladda Eritrea ee ku aaddan xaaladda waddanka Soomaaliya, oo ay sheegatay inay hubeyso isla markaana siiso taageero dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasaddaba ah kooxaha Islaamiyiinta ah ee dagaalka kala soo horjeeda Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Mrs. Rice ayaa sidoo kale sheegtay inay tahay arrin aan loo dulqaadan karin siyaasadda waddanka Eritrea ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya, ayadoo intaas raacisay in Dowladda Mareykanka iyo dowladaha kale ee ku jira Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay aanay aqbali doonin taageerada ay Eritrea  siiso kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ee dagaallada kula jira Dowladda Soomaaliya.

Horraantii bishan aynu ku jirno ee Juulay ayey ahayd markii Golaha Ammaanku uu Eritrea iyo cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso hanaanka nabadda ee Soomaaliya uga digay in lagu soo rogi doono cunaqabateyn haddii aanay ka waantoobin faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha waddanka Soomaaliya.


Add New Comment