Wakiillada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya xaaladda murugsan ee waddanka Soomaaliya, ayagoo isla mar ahaantaana dhegeysan doona warbixinta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon ee saddexdi bilood ee la soo dhaafay.
Warbixinta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo lasoo gaarsiiyey warbaahinta ayaa qaybo ka mid ah waxa ay aad uga deyrineysaa xaaladda ammaan ee ka jirta waddanka Soomaaliya oo ay hadda ka jirto Dowlad Soomaaliyeed oo ay Qaramada Midoobay ad u taageersan tahay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa lagu wadaa inuu dalalka xubnaha ka ah Golaha weydiisan doono in waddanka Soomaaliya loo diro ciidamo caalami ah si loo badbaadiyo jiritaanka dowladda sharciga ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale ayaa waxa si gaar ah u u kulmi doona Guddi gaar ah oo uu Goluhu horey ugu saaray ka baaraan degidda cunaqabateyn la doonayo in lagu soo rogo dalal iyo shaqsiyaad loo arko inay caqabad ku yihiin nabad ka dhalata geyiga Soomaaliya ee ay dagaalladu ka socdeen muddada 19-ka sanadood ku dhow.