Ururka Xisbul Islaam oo maanta maamul cusub u magacaabay Gobolka Banaadir


Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah xoogagga dagaalka ba'an kula jira Dowladda KMG ee Soomaaliya  ayaa kaddib shir ay isugu yimaadeen waxa uu go'aan ku gaaray in uu magacaabo maamul cusub oo loo dhiso gobolka Banaadir oo ay degmooyinkiisu qaar ayagu gacanta ku haayaan.

Kaddib shir ay maanta isugu yimaadeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa waxa ay isla garteen inay magacaabaan maamul cusub oo uu yeelan doono gobolka Banaadir, kaasoo hoos tagi doona ururkaasi.

Macallim Xaashi Maxamed Faarax ayaa laysku raacay inuu guddoomiye u noqdo maamulkaas cusub ee gobolka Banaadir, ayadoo ku xigeenna loo magacaabay Macallim Ibraahim Barre.

Maamulkan cusub ee Xisbul Islaam uu maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay ayaa noqonaya maamulka saddexaad ee uu gobolka Banaadir yeesho, ayadoo horey ay halkaasi uga jireen maamulka gobolka Bnaaadir ee hoos taga Dowladda KMG iyo maamul kale oo asagana hoos taga Xarakatul Shbaab Al Mujaahidiin oo ayagana ah Urur kale oo dagaal kula jira Dowladda KMG.






Add New Comment