Taliska Boliiska oo soo saaray awaamiir wax lagaga qabanayo gaadiidka magaalada Muqdisho


Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray amar lagu mamnuucayo isticmaalka boosteejooyin sharci darro ah oo ay gaadiidleydu ka sameysteen goobo aan loogu tala galin in gaadiidka laga raro lagana raaco.
 
Afhayeenka Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/le Sare Cabdullaahi Xasan Bariise oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ka sheegay in Taliska Boliisku mamnuucay in gaadiidleydu ka rartaan goobo sharci darro ah oo aan boosteejooyin ahayn.

 

G/le Sare Cabdullaahi Bariise ayaa amarka ka soo baxay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sabab uga dhigay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, wuxuuna sidoo kale u sheegay gaadiidka waaweyn ee xamuulka inay ka waantoobaan inay xiraan waddooyinka, ayadoo ciddii awaamirtan u hoggaansami weydana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

 

"Dagaallada ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sababeen in ay abuurmaan boosteejooyin cusub oo ay dadka barakacaya ka raacaan gaadiidka, waxaana sidoo kale goobo dagaal isu beddelay boosteejooyin horey looga raaci jiray gaadiidka" ayuu yiri Maxamed Faarax oo ka mid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho.


Lama saadaalin karo sida ay u dhaqan geli doonaan awaamiirtan kasoo baxday Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaase hubanti ah haddii ay dhaqan galaan inay wax weyn kusoo kordhin doonaan isticmaalka waddooyinka ee gaadiidka iyo dadweynahaba iyo weliba sugidda ammaanka magaalada.

Add New Comment