Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo wasaaradda Amniga Qaranka u magacaabay wasiir cusub


AmnigaQarankaBB.jpgRa'iisul wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashaiid Cali ayaa maanta magaacaabay wasiir cusub oo qabanaaya xilkii uu ka geeriyooday Allaah ha u naxariistee marxuum Cumar Xaashi Aadan oo ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo lagula beegsaday dhowaan gudaha magaalada Beledweyne.

 

Ra'iisul wasaaraha ayaa shir jaraa'id oo uu maanta qabtay ka sheegay in wasiirka wasaaradda Amniga Qaranka loo magacaabay mudane Cabdullaahi Maxamed Cali oo asagu howshii wasaaraddaasi halkeeda ka sii wadi doona.

 

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Amniga Qaranka oo asagu markii u horreysay maanta ka qayb galay kulanka Golaha Wasiirada oo asagana la hadlayey saxaafadda ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay, asagoo sidoo kalena sheegay inuu sida ugu habboon u gudan doono waajibkaas qaran ee loo dhiibay.


Wasiirka cusub ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu guto waajibka qaran ee loo magacaabay  xitaa hadduu naftiisa ku waayo.

Add New Comment