Wasiir Ingiriis ah oo Soomaaliya ku tilmaamay dal uga qatar badan Afghanistaan


Lord_mallochBB.jpgWasiir ka tirsan Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Dowladda Ingiriiska laguna magacaabo Lord Malloch-Brown, ayaa waxa uu sheegay in khatarta ugu weyn ee argagixiso ay dalka Ingiriiska uga iman karto waddamada Pakistan iyo Soomaaliya.

Hadalka Malloch-Brown ayaa ah mid shaki geliyey sheegashadii mas'uuliyiinta dowladda Ingiriiska ee ay ku sheegi jireen in dalka Afghanistaan uu yahay dalka ugu horreeya ee ay khatar argagixiso uga iman karto waddanka Ingiriiska.

Waxa ayagana dhankooda soo saaray warbixin Guddiga Aqalka Odayaasha u qaabbilsan Midowga Yurub iyo lacagaha argagixisada loo diro, taasoo ay ku sheegeen in lacagta faraha badan ee burcadbadeedda Soomaalidu ka qaataan maraakiibta ay afduubtaan ay suurtagal tahay in lagu maalgeliyo argagixisada.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in aan waxba lagala socon inta ay la eg tahay lacagta madax furasho ahaanta ay u bixiyaan shirkadaha iska leh maraakiibta ay burcad badeedda Soomaalidu ku qafaashaan xeebaha dalka Soomaaliya, laakiin waxa aan wax daliil ah looma haayo in lacagtaasi loo gudbiyo argagixisada.

Waa arrin culeyskeeda leh in dalka Soomaaliya uu wasiir Ingiriis ah ku tilmaamo in ay dalka Britain uga qatar badan tahay dalka Afghanistaan oo sida la og yahay xarun u ah Ururrada Talibaan iyo Al-Qaacida oo ay sida weyn isaga soo horjeedaan waddamada reer galbeedka ah.

Add New Comment