Maraakiib iyo dayaarado dagaal oo saakay kusoo dhowaaday xeebaha Muqdisho iyo Marka


Markab dagaal oo nooca dayaaradaha qaada ah ayna dusha ka ilaalinayaan dayaarado dagaal oo isugu jira kuwa qumaatiga u kaca (helicopters) iyo dayaaradaha kale ee dagaalka ayaa maanta lagu arkay meel ku dhow dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.
 
airforceBB.jpgMarkabkaan dagaal oo aan la garaneyn heybtiisa ayey dadka reer Muqdisho saakay ku soo tooseen asaga oo ku sugan meel aan sidaas uga fogeyn dekedda magaalada Muqdisho, sidoo kalena waxaa jiray dayaarado joog hoose ku socday oo dul heehaabayey degmooyinka ku xeeran xeebta magaalada iyo weliba dayaarad mileteri oo soo caga dhigatay garoonka caalamiga ee Muqdisho.

 

Sidoo kale ayey wararka ka imanaya magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose sheegayaan in xeebta magaalada lagu arkay markab kale oo kuwa dagaalka ah oo ay dushiisu ka kacayeen dayaaradaha dagaal ee qumaatiga u kaca, muuqaalkaas oo cabsi iyo wel-welba ku abuuray dadka ku dhaqan magaaladaasi, gaar ahaan kalluumeysatada.

 

Lama oga sabata dhabta ah ee keentay in maraakiibtan dagaal iyo dayaaradahooduba ay usoo gaareen xeebaha magaalooyinka Muqdisho iyo Marka, waxaysa dadka labadaas magaalo isla dhex marayaan in ay dhici karto in maraakiibta laga leeyahay waddanka Fransiiska ayna halkaasi u yimaadeen arrimo la xiriira labadii sarkaal ee u dhashay France ee dhowaanta lagu afduubtay magaalada Muqdisho.



Add New Comment