Dowladda Fransiiska oo sheegtay inay xoog adeegsan doonaan haddii laga maarmi waayo


Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay inay suurtagal tahay inay xoog u adeegsato soo furashada labo sarkaal oo faransiis ah oo toddobaadkii hore laga afduubtay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo gacanta ugu jira Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin.

Wasiirka Arrimada Dibedda ee dalka Faransiiska Bernard Kouchner ayaa sheegay in aanay meesha ka saareyn qorshe milateri oo Comandoska Faransiiska ku soo furanayo Labada nin ee ah la taliyeyaasha dhinaca ammaanka ee laga afduubtay.

Wasiirka ayaa mar uu warbaahinta la hadlayey sheegay in marka hore ay habboon tahay in marka hore  arrinta labada la heyste ee Fransiiska ah lagu dayo wado xaajood, haddiise sidaa la waayo aanay meesha ka marnaan doonin in la adeegsado xoog, asagoona sidoo kalena sheegay in dowladda France aanay ilaa iyo hadda weydiisan Dowladda KMG ee Soomaaliya ruqso ay ciidamadoodu kaga howlgalaan gudaha dalka Soomaaliya.

Hadalka ka soo baxay Dowladda Faransiiska ayaa ku soo beegmaya xilli Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid uu sheegay inay u fasaxayaan Dowladda Faransiiska inay tallaabo milateri ku soo furtaan muwaadiniintooda.

Add New Comment