Ciidamo cusub oo ay leedahay Dowladda KMG oo soo gaaray magaalada Baladweyne


Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay halkaasi soo gaareen ciidamo hor leh oo taabacsan Dowladda KMG ee Soomaaliya, kaddiib markii in muddo ah ay ku maqnaayeen waddanka Ethiopia oo uu tababar uga socday.

Ciidamadan ayaa sida la sheegay in muddo ah ku sugnaa degaanka Ceel Gaal ka hor intii aysan soo gelin magaalada Baladweyne oo ay hadda gudaheeda ku sugan yihiin

Dowladda KMG ayaa wadda dadaal ay ugu jirto sidii ay u xaqiijin lahayd adkeynta ammaanka iyo difaaca goobaha hoos yimaada maamulkeeda ee gobolka Hiiraan, ayadoo sidoo kalena meelo kale oo ku yaal xadka gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ay la leeyihiin Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ku haysata ciidamo daacad u ah oo tababarro ku soo qaatay gudaha waddanka Ethiopia.

Warar kale oo aan ka helnay ilo xog-ogaal ahna waxay sheegayaan in dowladdu qorsheyneyso inay dagaal weyn kula gasho xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda dhammaan gobollada dalka, sidoo kalena beryhan dambe la dareemayey isu soo dhowaad u dhexeeya dowladda iyo xoogagga Ahlu Sunnah Wal Jamaaca ee ka arrimiya gobollada Dhexe ee dalka.

Xoogagga diiddan jiritaanka dowladda ee Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa maalmihii u dambeeyey laga dareemayey inay xooggooda isugu soo ururinayeen gudaha magaalada Muqdisho, si ay mar uun uga taqalusaan dowladda uu hoggaamiyaha ka yahay saaxibkoodii hore ee ay dhinaca mabaadii'da ku kala tagaeen.

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa haddii ay ku guuleysato gacan ku haynta gobollad Dhexe iyo kuwa koonfureed qaarkood markaa miisaankeedu uu wax weyn iska beddeli doonaa, taasoo xoogagga mucaaradkuna dhabarjab ku noqon doonta, haddiise ay arrintu sidaa noqon weydo wax suurtagal ah in xoogagga hubeysan ay ku guuleysan doonaan gacan ku haynta guud ahaan gobollada koonfureed, meelo ka tirsan gobollada dhexe iyo inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.


Add New Comment